Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Danab oo deegaanka Afgooye kasoo qabtay hub iyo agabka qaraxyada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 22, 2026, 3:42 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Danab oo deegaanka Afgooye kasoo qabtay hub iyo agabka qaraxyada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ka howlgala qeybo kamid ah Shabeellaha Hoose.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu qabtay hub iyo agabyo kala duwan, kuwaas oo isugu jira qoryaha AK-47, bastoolado, bambooyin iyo qalab loo adeegsado sameynta walxaha qarxa.

Hubka iyo agabka la qabtay ayaa waxaa warbaahinta usoo bandhigay ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan cutubyada adeegsada gawaarida gaashaaman ee ka qeyb qaata howlgallada amniga.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa muddooyinkii dambe martigelinayay howlgallo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Danab iyo Gorgor, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimo iyo dhaqdhaqaaqyo ay dowladda sheegtay inay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalladan ay saameyn ku yeesheen awoodda kooxda, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xasilinayo deegaannada ay colaadaha ka jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto howlgallada amniga ee ka socda gobollada dalka, iyadoo sheegtay in ciidamada qalabka sida ay weli wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay howlgalladu ka socdaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

19 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

20 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.