Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Qoyska Geesigii lagu dilay weerarkii Masaajidka San Diego oo loo ururiyay malaayiin dollar

In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyay qoyska Amin Abdullah oo ahaa waardiyaha lagu dilay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, kadib markii uu isku dayay inuu…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 20, 2026, 10:16 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Qoyska Geesigii lagu dilay weerarkii Masaajidka San Diego oo loo ururiyay malaayiin dollar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyay qoyska Amin Abdullah oo ahaa waardiyaha lagu dilay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, kadib markii uu isku dayay inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa goobta.

Amin Abdullah oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah ayaa kamid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay xarunta Islamic Center of San Diego, oo kamid ah masaajidda ugu waaweyn gobolkaasi. Weerarka ayaa dhacay xilli carruur badan ay ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka.

Wararka ayaa sheegaya in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay xiritaanka gudaha xarunta iyo badbaadinta carruurta iyo shaqaalaha, kahor inta aan la dilin. Taliyaha booliska magaalada San Diego Scott Wahl ayaa ku tilmaamay ficilladiisa kuwo geesinimo leh oo badbaadiyay nafo badan.

Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay weerarka geysteen, kahor inta aan meydadkooda laga helin gaari u dhow goobta. Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa baaraya suuragalnimada in weerarka uu salka ku hayo naceyb ka dhan ah Muslimiinta, kadib markii la helay qoraallo la xiriira arrintaasi.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta iyo maamulka xarunta Islaamiga ah ayaa sheegay in Amin Abdullah uu naftiisa u huray difaaca carruurta, macallimiinta iyo dadka cibaadada ku jiray xilliga weerarka dhacay.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu ammaanay geesinimada Abdullah, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen halyeey Muslim ah oo naftiisa u huray badbaadinta dadka kale. Lacag ururinta online-ka ah ee loo sameeyay qoyskiisa ayaa si degdeg ah uga gudubtay 1.7 milyan oo dollar.

Mas’uuliyiinta gobolka California iyo magaalada San Diego ayaa cambaareeyay weerarka, iyaga oo sheegay in goobaha cibaadada aysan noqon karin bartilmaameed lagu waxyeelleeyo dad rayid ah. Weerarkan ayaa mar kale sare u qaaday walaaca laga qabo falalka naceybka ku saleysan ee ka dhanka ah Muslimiinta gudaha Mareykanka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.