• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo cambaareysay weerar drone ah oo lagu qaaday Sacuudiga

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo cambaareysay weerar drone ah oo lagu qaaday Sacuudiga
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii ciidamada difaaca cirka ee boqortooyada ay sheegeen inay soo rideen diyaaradahaasi kahor inta aysan waxyeello geysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga, isla markaana uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay Sacuudiga, ayna taageersan tahay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo ammaanka, midnimada dhuleed iyo xasiloonida boqortooyada. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in weerarrada lagu qaado dalalka iyo xarumaha muhiimka ah ay sii kordhin karaan xiisadaha gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka inay muujiyaan is-xakameyn iyo wada hadal, si looga hortago xaalado amni darro oo horleh. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay dhammaan dhinacyada inay dhowraan sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta xiriirka dowladaha.

Cambaareyntan ayaa kusoo aadeysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo cakiran, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadaha sii fidaan. Dalal badan oo gobolka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay feejignaanta amniga, kadib weerarro iyo hanjabaado isa soo taraya.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo ee gobolka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.