Wararka24: Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare u kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer nidaaminta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday midaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU)
Warbixinta oo la daabacay bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka kortay dhibco dhan 0.0 sanadkii 2007 ilaa 77.5 boqolkiiba sanadkii 2024, taas oo ka dhigeysa dalka sameeyay horumarka ugu weyn ee dhammaan dalalkii la qiimeeyay muddadaas.
Soomaaliya ayaa gashay kaalinta koowaad ee 15 dal oo lagu xusay inay hormarka ugu badan ka sameeyeen nidaaminta ICT-da iyo dib u habeynta isgaarsiinta.
Horumarkan ayaa lala xiriiriyay dib-u-habeyntii lagu sameeyay nidaamka isgaarsiinta dalka tan iyo markii la aas aasay National Communications Authority sanadkii 2018, kadib meel marinta sharciga isgaarsiinta qaranka.
Warbixinta ITU ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay hadda gaartay heerka loo yaqaan Jiilka 3-aad ee nidaaminta ICT-da, oo lagu tilmaamo marxalad dhiirrigelisa maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.
Maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mustafa Yasin Sheikh ayaa sheegay in guushan ay ka tarjumeyso dadaallada dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya ee lagu dhisayo nidaam casri ah oo lagu maamulo suuqa isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.
“In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro kaalinta ugu sarreysa ee horumarka adduunka waa tallaabo weyn,” ayuu yiri maareeyaha, isaga oo xusay in mudnaanta hadda ay tahay xoojinta tartanka suuqa iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha.
Hay’adda NCA ayaa tan iyo sanadkii 2019 hirgelisay xeerar iyo nidaamyo cusub oo ay kamid yihiin ruqsad bixinta shirkadaha, nidaamka hirarka isgaarsiinta, ilaalinta tayada adeegyada iyo qorsheyaasha horumarinta teknoolojiyadda cusub.
Warbixintan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo muujineysa koboca dhijitaalka ah ee Soomaaliya, xilli dalka uu dadaal ugu jiro casriyeynta adeegyada dowladda iyo horumarinta kaabayaasha ICT-da.


















