Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dab Xooggan Oo Mar Kale Ka Kacay Suuq Bacaad

Dab xooggan ayaa xalay ka kacay qayb kamid ah Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray ganacsato badan oo halkaasi ku lahaa bakhaarro iyo goobo ganacsi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 2:04 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dab Xooggan Oo Mar Kale Ka Kacay Suuq Bacaad
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dab xooggan ayaa xalay ka kacay qayb kamid ah Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray ganacsato badan oo halkaasi ku lahaa bakhaarro iyo goobo ganacsi.

Dabka ayaa si gaar ah uga kacay suuq yaraha Dahabshiil ee ku dhex yaalla Suuq Bacaad, waxaana la sheegay inuu ka dhashay cilad dhinaca korontada ah. Ganacsatada deegaanka ayaa sheegay in dabku uu si degdeg ah ugu fiday goobaha ganacsiga, kahor inta aan lagu guuleysan in la xakameeyo.

Ibraahim Lafta oo kamid ah ganacsatada suuqa ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay ugu yaraan afar bakhaar oo lagu kaydin jiray dhar ay lahaayeen ganacsato yaryar. Wuxuu tilmaamay in hantidii taalay goobahaasi ay gabi ahaanba gubatay, isla markaana aysan jirin wax laga badbaadiyay.

Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha kasoo gaaray uu yahay mid culus, isaga oo xusay in bakhaarradaasi ay ahaayeen meelaha lagu keydiyo alaabta ay ku shaqeeyaan ganacsatada waratada ah ee suuqa ku ganacsata.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo ganacsatada ayaa muujiyay walaac ku saabsan dababka kusoo noqnoqday suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo inta badan sababa burbur dhaqaale iyo khasaarooyin soo gaara shacabka danyarta ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ama hay’adaha dab-damiska ee ku saabsan baaxadda khasaaraha guud ee dabkan ama tirada rasmiga ah ee goobaha uu saameeyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

18 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.