Wararka24: Dab xooggan ayaa xalay ka kacay qayb kamid ah Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray ganacsato badan oo halkaasi ku lahaa bakhaarro iyo goobo ganacsi.
Dabka ayaa si gaar ah uga kacay suuq yaraha Dahabshiil ee ku dhex yaalla Suuq Bacaad, waxaana la sheegay inuu ka dhashay cilad dhinaca korontada ah. Ganacsatada deegaanka ayaa sheegay in dabku uu si degdeg ah ugu fiday goobaha ganacsiga, kahor inta aan lagu guuleysan in la xakameeyo.
Ibraahim Lafta oo kamid ah ganacsatada suuqa ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay ugu yaraan afar bakhaar oo lagu kaydin jiray dhar ay lahaayeen ganacsato yaryar. Wuxuu tilmaamay in hantidii taalay goobahaasi ay gabi ahaanba gubatay, isla markaana aysan jirin wax laga badbaadiyay.
Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha kasoo gaaray uu yahay mid culus, isaga oo xusay in bakhaarradaasi ay ahaayeen meelaha lagu keydiyo alaabta ay ku shaqeeyaan ganacsatada waratada ah ee suuqa ku ganacsata.
Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo ganacsatada ayaa muujiyay walaac ku saabsan dababka kusoo noqnoqday suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo inta badan sababa burbur dhaqaale iyo khasaarooyin soo gaara shacabka danyarta ah.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ama hay’adaha dab-damiska ee ku saabsan baaxadda khasaaraha guud ee dabkan ama tirada rasmiga ah ee goobaha uu saameeyay.


















