Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo dib u dhigay bannaanbixii berri ka dhici lahay magaalada Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay bannaanbixii la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib wada hadallo siyaasadeed oo ka socda gudaha xerada Xalane.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 5:58 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo dib u dhigay bannaanbixii berri ka dhici lahay magaalada Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay bannaanbixii la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib wada hadallo siyaasadeed oo ka socda gudaha xerada Xalane.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay in go’aankan loo qaatay si fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay dhex-dhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay mucaaradka, wada-hadalladan ayaa looga gol leeyahay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha la xiriira doorashooyinka, maamulka marxaladda kala guurka, barakicinta iyo waxa ay ku tilmaameen xarig sharci darro ah.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale caddeynaysaa in bannaanbaxa la qorsheeyey uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayo ilaalinta dastuurka, amniga, xuquuqda muwaadiniinta iyo jooginta doorashooyinka hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in taariikh cusub oo la qabanayo bannaanbaxa dib laga shaacin doono, iyadoo lagu saleyn doono natiijada kasoo baxda wada-hadallada socda.

Wararka ayaa sheegaya in wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay cadaadis saarayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka si ay heshiis uga gaaraan khilaafka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wada-hadalladan ka socda Xalane ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto halkaasi, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin natiijada kasoo baxda kulamadan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.