Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir dhaqameed ka dhacay Ruushka

Agaasimaha Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka oo ka dhacay magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 6:07 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir dhaqameed ka dhacay Ruushka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Agaasimaha Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka oo ka dhacay magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan.

Shirka oo qayb ka ah madasha Kazan Forum ayaa soconaya inta u dhaxeysa 12-ka illaa 17-ka bishan May, waxaana kasoo qayb-galay madax, wasiirro iyo wufuud ka kala socday dalalka Islaamka iyo Ruushka.

Aadan Cabdiqani Cawaale ayaa waxaa safarka ku wehliyay Agaasimaha Xiriirka Dowlad goboleedyada, Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka.

Khudbad uu ka jeediyay shirka ayuu Agaasimuhu ku gudbiyay salaan iyo tahniyad uu ka siday Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Dr. Cabdifataax Qaasim Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu salaan gaar ah u diray Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Olga Lyubimova, isagoo bogaadiyay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay muhiimadda dhaqanka uu u leeyahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, nabad-dhiska iyo isfahamka bulshooyinka kala duwan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo ku saleysan is-qadarin, wadaag khibradeed iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqanka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada caalamka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 hour ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.