Wararka24: Agaasimaha Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka oo ka dhacay magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan.
Shirka oo qayb ka ah madasha Kazan Forum ayaa soconaya inta u dhaxeysa 12-ka illaa 17-ka bishan May, waxaana kasoo qayb-galay madax, wasiirro iyo wufuud ka kala socday dalalka Islaamka iyo Ruushka.
Aadan Cabdiqani Cawaale ayaa waxaa safarka ku wehliyay Agaasimaha Xiriirka Dowlad goboleedyada, Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka.
Khudbad uu ka jeediyay shirka ayuu Agaasimuhu ku gudbiyay salaan iyo tahniyad uu ka siday Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Dr. Cabdifataax Qaasim Maxamuud.
Sidoo kale, wuxuu salaan gaar ah u diray Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Olga Lyubimova, isagoo bogaadiyay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.
Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay muhiimadda dhaqanka uu u leeyahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, nabad-dhiska iyo isfahamka bulshooyinka kala duwan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo ku saleysan is-qadarin, wadaag khibradeed iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqanka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada caalamka.




















