• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu si qarsoodi ah ku tegay Imaaradka Carabta

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu si qarsoodi ah ku tegay Imaaradka Carabta
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu booqasho ku tagay dalkaasi ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn”, iyadoo dowladda Imaaraadka ay caddeysay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xiriirka labada dhinac uu ku dhisan yahay heshiisyada Abraham Accords, islamarkaana aanu ku salaysnayn heshiisyo qarsoodi ah ama booqashooyin sir ah.

“Sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay kasoo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay wararka la xiriira safarka Netanyahu, isagoo sheegay in hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen xogtan hoggaanka dalkaasi.

Araqchi ayaa sidoo kale hadallo adag u diray Imaaraadka iyo qaar kamid ah dalalka Khaliijka, isagoo sheegay in la shaqeynta Israa’iil ay tahay arrin aan Tehran aqbali karin.

Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta reer galbeedka ay si weyn uga hadlayaan warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo la sheegay inay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen gudaha Iran intii ay socotay xiisadda gobolka.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.