Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu si qarsoodi ah ku tegay Imaaradka Carabta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu booqasho ku tagay dalkaasi ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 3:38 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu si qarsoodi ah ku tegay Imaaradka Carabta
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu booqasho ku tagay dalkaasi ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn”, iyadoo dowladda Imaaraadka ay caddeysay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xiriirka labada dhinac uu ku dhisan yahay heshiisyada Abraham Accords, islamarkaana aanu ku salaysnayn heshiisyo qarsoodi ah ama booqashooyin sir ah.

“Sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay kasoo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay wararka la xiriira safarka Netanyahu, isagoo sheegay in hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen xogtan hoggaanka dalkaasi.

Araqchi ayaa sidoo kale hadallo adag u diray Imaaraadka iyo qaar kamid ah dalalka Khaliijka, isagoo sheegay in la shaqeynta Israa’iil ay tahay arrin aan Tehran aqbali karin.

Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta reer galbeedka ay si weyn uga hadlayaan warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo la sheegay inay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen gudaha Iran intii ay socotay xiisadda gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.