• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mareykanka oo dhex-dhexaadin ka wada dowladda iyo mucaaradka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo dhex-dhexaadin ka wada dowladda iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay billowday dadaallo dhex-dhexaadin ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya. Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xiisado la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulan saddex geesood ah lagu qaban doono xerada Halane Camp, halkaas oo ay ku kulmi doonaan dowladda federaalka, Golaha Mustaqbalka iyo wakiillo ka socda Mareykanka. Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu dhaco 13-ka bishan, iyadoo diiradda lagu saarayo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dhinaca dowladda ay kulanka ku matali doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza. Dhanka Golaha Mustaqbalka ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qeybgalaan Sheekh
Shariif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo si rasmi ah loogu qabto gudaha xerada Xalane iyadoo Mareykanku uu door muuqda ku leeyahay dhexdhexaadinta. Dowladda Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jirto sidii loo dejin lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Wadahadalladan ayaa imanaya kadib markii uu baaqday kulan uu horay ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco Villa Somalia. Mucaaradka ayaa ka baaqday kulankaasi, taas oo sii kordhisay khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira dastuurka. Waxaa si weyn loo sugayaa natiijada kasoo baxda wada hadallada la filayo inay ka furmaan Muqdisho.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.