Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xog: Xaaladda magaalada Muqdisho oo degan iyo xalka Dibadbixii mucaaradka

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa manta degan, inkastoo ay jireen walaacyo la xiriiray bannaanbax ay mucaaradku horay ugu baaqeen inuu ka qabsoomo caasimadda. Bannaanbaxaasi oo la qorsheeyay saacadaha hore ee subaxnimada, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidku u muuqdo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 10, 2026, 6:36 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xog: Xaaladda magaalada Muqdisho oo degan iyo xalka Dibadbixii mucaaradka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa manta degan, inkastoo ay jireen walaacyo la xiriiray bannaanbax ay mucaaradku horay ugu baaqeen inuu ka qabsoomo caasimadda. Bannaanbaxaasi oo la qorsheeyay saacadaha hore ee subaxnimada, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidku u muuqdo mid caadi ah.

Dadweynaha ay mucaaradku aya maalmihii la soo dhaafay ku baaqeen inay kasoo qeyb galaan isu soo baxa, manta waxay u muuqatay in aanay si weyn uga jawaabin baaqaasi. Tani ayaa loo arkaa caqabad siyaasadeed oo wajahday qorshaha bannaanbaxa, maadaama ka qeybgalka shacabka uu ahaa tiirka ugu weyn ee la sugayay.

Jidadka waaweyn ee magaalada waxaa si weyn loogu arkay ciidamo dowladda ah oo sugaya amniga, kuwaas oo lagu daadiyay isgoysyada muhiimka ah iyo goobaha muhiimka ah ee caasimadda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xakameynayo amniga iyo ka hortagga rabshado suurtagal ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada ay gaareen guryo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin mucaarad ah, oo ay ku jiraan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyo Cabdiraxmaan Odowaa. Sidoo kale waxaa la sheegay in guriga Sharif Sheekh Axmed la adkeeyay amnigiisa.

Dhanka kale, Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka baxo gurigiisa, balse ciidamada ayaa dib u celiyay, kadib wada hadal kooban. Xaaladdan ayaa muujineysa sida ammaanka magaalada loo adkeeyay saacadihii la soo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay oggolaatay dibadbaxa, balse ku xirtay in lagu qabto garoonka Eng. Yariisow Stadium, halka mucaaradku ay doonayeen inuu ka dhaco qeybo kala duwan oo magaalada ah. Ilaa hadda, magaalada waxay u muuqataa mid degan, iyadoo shacabka intooda badan ay wataan nolol maalmeedkooda caadiga ah.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

15 hours ago
FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

18 hours ago
Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

19 hours ago
Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

19 hours ago
Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii ugu horreeyay ee Hirshabeelle, oo geeriyooday

Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii ugu horreeyay ee Hirshabeelle, oo geeriyooday

19 hours ago
Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

3 days ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

3 days ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.