Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan magaalada Muqdisho kula yeeshay Danjiraha dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray afar qodob oo muhiim ah oo ay dowladda Soomaaliya mudnaanta siineyso, kuwaas oo kala ah amniga, siyaasadda, dib-u-dhiska dalka iyo hirgelinta doorashooyin dadweyne oo la qorsheynayo inay dalka ka qabsoomaan.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa safiirka la wadaagay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga dalka, dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo qorshaha xukuumadda ee ku aaddan dhismaha nidaam doorasho oo loo dhan yahay.
Xamza ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, gargaarka bini’aadantinimo iyo taageerada ay u muujiyaan midnimada dalka.
Dhankiisa, Danjire Abdullah bin Salem Al-Nuaimi ayaa xaqiijiyay in Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalado siyaasadeed iyo kuwo bani’aadantinimo oo xasaasi ah, iyadoo dowladda ay dadaal ugu jirto xasilinta xaaladda gudaha iyo dardargelinta geeddi-socodka siyaasadeed.




















