Wararka24: Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Burkina Faso, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Mahamadou Sana.
Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaasi oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Burkina Faso.
Booqashadan ayaa la sheegay inay salka ku hayso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, iyadoo labada dal ay ka wada hadlayaan la dagaallanka argagixisada, isdhaafsiga xogaha sirdoonka iyo kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha ammaanka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan caqabadaha amni ee ka jira dalalkooda iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan wadajir ah oo lagu wajaho khataraha amni ee gobolka.
Kulamo muhiim ah ayaa lagu falanqeyn doonaa istaraatiijiyado cusub oo lagu xoojinayo dadaallada wadajirka ah, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee saameynta ku leh gobolka Afrika.
Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Burkina Faso ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo labada dowladood ay muujinayaan rabitaan ku aaddan ballaarinta iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.






















