• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Iran oo weerarro culus ka geysatay Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Iran oo weerarro culus ka geysatay Isu-tagga Imaaraadka Carabta
Share

Wararka24: Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaacisay inay la kulantay weerarro culus oo isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo sida ay sheegtay kaga yimid dhanka Iran.

Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa xaqiijisay in weerarka uu ahaa mid ballaaran, isla markaana ay ku jireen gantaallo riddada dheer oo lala beegsaday gudaha dalka. Dowladda ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ay si degdeg ah uga jawaabeen, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha weerarka.

Wararka ayaa tilmaamaya in weerarka drones-ka uu sababay dab ka kacay xarun tamareed oo ku taalla magaalada Fujairah, taas oo kamid ah xarumaha muhiimka u ah dhoofinta shidaalka ee dalkaasi.

Maamulka Fujairah ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay si dhaqso leh uga howlgaleen goobta, iyadoo dadaallo lagu xakameynayo dabka ay weli socdaan.

Dhanka kale, xiisadda gobolka Khaliijka ayaa sii xoogeysatay kadib markii dowladda Maraykanka ay ku dhawaaqday qorshe cusub oo la xiriira ilaalinta maraakiibta mara marinka Hormuz, marinkan o ah mid muhiim u ah ganacsiga shidaalka.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in ciidamada dalkaasi ay bartilmaameedsadeen markab dagaal oo Maraykan ah, balse taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa si rasmi ah u beeniyay warkaas.

Weerarradan cusub ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan xasilloonida gobolka, iyadoo khubaradu ka digayaan in colaadda sii ballaarata ay saameyn ku yeelan karto suuqyada tamarta iyo amniga gobolka.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.