Wararka24: Cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada Egypt ee qaybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo la socda qorshaha daabulista ciidamadan.
Masar ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya keento 1,410 askari oo wata gaadiid gaashaaman iyo qalab milateri oo casri ah, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka taageerada amniga ee AUSSOM. Ciidamadan ayaa la sheegay inay leeyihiin tababar gaar ah iyo khibrad la xiriirta howlgalada nabad-ilaalinta iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in qorshaha daabulista ciidamadan uu galay wejigiisii ugu dambeeyay, iyadoo la diyaariyay gaadiidkooda, agabkooda iyo goobaha ay ka howlgalayaan gudaha Soomaaliya. Khubaro ka socotay Masar ayaa horay u qiimeeyay deegaannada la qorsheeyay inay ciidamadan ka hawlgalaan.
Ka qaybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM waxaa ansixiyay Midowga Afrika dabayaaqadii sanadkii 2024, kadib wada-hadallo amni oo dhexmaray Muqdisho iyo Qaahira. Heshiis amni oo laba geesood ah ayaa sidoo kale la saxiixay horaantii sanadkan, kaas oo saldhig u noqday iskaashiga milateri ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa kulamo hore ku yeeshay Qaahira, halkaas oo Masar ay ballan-qaadday inay kordhinayso taageerada dhinaca tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya.
Imaatinka ciidamadan ayaa la filayaa inuu xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada dib-u-dhiska hay’adaha amniga dalka.


















