Wararka24: Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka ayaa si rasmi ah u billowday tijaabada nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, tallaabo muhiim ah oo la filayo inay si buuxda u dhaqan gasho dhammaadka bisha May 2026.
Nidaamkan cusub ayaa la sheegay inuu door weyn ka ciyaari doono kobcinta waaxda duulista hawada ee Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku waddo qorsheyaal lagu ballaarinayo isku xirka caalamiga ah iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka. Tijaabada BSP ayaa qayb ka ah dadaallada casriyeynta adeegyada duulista hawada.
Waxaa ka qeyb qaadandoona afar shirkadood oo wakaaladaha safarka ah iyo dhowr diyaaradood oo ka howlgala gudaha dalka, kuwaas oo ay ku jirto Ethiopian Airlines. Marka nidaamkan si rasmi ah loo furo dhammaadka May, waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 300 wakaaladood iyo shirkado diyaaradeed oo ka shaqeeya Soomaaliya.
Nidaamka BSP waa hannaan caalami ah oo fududeeya xiriirka maaliyadeed ee ka dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha iibinta tikidhada, isaga oo dedejinaya habraacyada lacag uruurinta, dabagalka iibka iyo maamulka xisaabaadka.
Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah, BSP wuxuu sanadkii 2025 maareeyay in ka badan 700 milyan oo macaamil ganacsi ah oo ka kala dhacay in ka badan 180 waddan, iyadoo lacagaha guud ee la maareeyay ay gaareen 242 bilyan oo dollar. Tani waxay muujinaysaa baaxadda nidaamkan iyo saameynta uu ku leeyahay warshadaha duulista caalamka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mohamed Farah Nuh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad isbeddel ah oo dhanka duulista hawada ah, isaga oo xusay in isku xirka gudaha iyo dibadda uu laf-dhabar u yahay dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.
Mas’uuliyiinta Ururkaan ayaa dhankooda bogaadiyay tallaabadan, iyagoo tilmaamay in nidaamkan uu Soomaaliya ka caawin doono xoojinta kalsoonida shirkadaha diyaaradaha iyo kobcinta ganacsiga safarrada hawada.


















