• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo soo bandhigay saddex qodob oo ay ku haystaan Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo soo bandhigay saddex qodob oo ay ku haystaan Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, iyaga oo kala hadlay tabashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo mucaaradku ay soo bandhigeen saddex qodob oo ay sheegeen inay saldhig u yihiin muranka siyaasadeed ee haatan taagan.

Abdirahman Abdishakur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn uu ku saleysan yahay wax ka beddelka dastuurka, muranka dhulka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in haddii wax laga beddelayo nidaamka federaalka ama dastuurka dalka, loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga fogaado khilaaf hor leh iyo kala qeybsanaan siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka ka codsaday inay door muuqda ka qaataan xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay aaminsan yihiin in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan wada-hadal iyo dhexdhexaadin.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ay maalmihii lasoo dhaafay kulamo la lahaayeen madaxda sare ee dowladda, oo uu ku jiro Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ku adkeystay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo wali aan la gaarin heshiis mideyn kara dhinacyada ku kala aragti duwan hannaanka doorashada iyo jihada siyaasadeed ee dalka.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.