• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muqdisho oo marti-gelisay shir amni oo muhiim ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Muqdisho oo marti-gelisay shir amni oo muhiim ah
Share

Wararka24: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shir ay isugu yimaadeen taliyayaasha sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika

Shirkan oo soconaya 29-ka ilaa 30-ka April 2026 ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amniga ee gobolka Bariga Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca xogaha sirdoonka iyo la dagaallanka khataraha amni.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaysa kulanka ayaa la filayaa inay si qoto dheer uga doodaan arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, dambiyada abaabulan iyo caqabadaha amni ee sii kordhaya, kuwaas oo saameyn ku leh dalalka gobolka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca sirdoonka uu muhiim u yahay xasilinta gobolka, isaga oo tilmaamay in khataraha amni aysan ku ekaan xuduudaha hal dal, balse ay saamayn guud ku leeyihiin gobolka oo dhan.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habaynta ciidamada iyo horumarka laga sameeyay xoojinta awoodda ciidanka, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee sugidda amniga gudaha iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Shirka Muqdisho ka socda ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dalalka gobolka, xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo isku xirka howlaha sirdoonka si looga hortago khataraha soo kordhaya.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaysa kulanka ayaa la filayaa inay soo saaraan qodobbo iyo talooyin lagu xoojinayo amniga gobolka iyo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah ururka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.