• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xamza oo la kulmay safiirka Kenya ee Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 4 mins read
Xamza oo la kulmay safiirka Kenya ee Soomaaliya
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho, Cyprian Kubai Iringo, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Ilyas Barre Shiil iyo howlwadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa danjiraha Kenya la wadaagay horumarka dowladda ka gaartay howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo xusay guulaha ciidamada qaranka ka gaareen sugidda amniga iyo xoreynta deegaanno muhiim ah.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga xuduudaha, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda, isaga oo sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si loo xasiliyo gobolka loogana hortago khataraha amni.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, iyadoo ciidamadeedu ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaas oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo dheer iskaashi dhow ka lahaa dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo labada dal ay xoojinayaan xiriirkooda xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.