Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

FBI-da oo baaritaanno ku qaaday xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali

Hay’adda Dambi-baarista ee FBI-da iyo laamaha kale ee federaalka ee Mareykanka ayaa howlgal baaritaan ah ka fuliyay in ka badan 20 xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Minneapolis, kuwaas oo la sheegay in intooda badan ay leeyihiin xubno…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 1, 2026, 12:59 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
FBI-da oo baaritaanno ku qaaday xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hay’adda Dambi-baarista ee FBI-da iyo laamaha kale ee federaalka ee Mareykanka ayaa howlgal baaritaan ah ka fuliyay in ka badan 20 xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Minneapolis, kuwaas oo la sheegay in intooda badan ay leeyihiin xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay baaritaan ballaaran oo la xiriira eedeymo ku saabsan lunsasho iyo adeegsi khaldan oo dhaqaale federaal ah oo loogu talo-galay adeegyada bulshada. Saraakiisha ayaa caddeeyay in baaritaannadu aysan wax xiriir ah la lahayn arrimaha socdaalka ama tarxiilka.

Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah, ciidamada federaalka ayaa fuliyay 22 waaran oo baaritaan ah oo maxkamaddu oggolaatay, kuwaas oo lala beegsaday xarumo bixiya adeegyo caafimaad iyo kuwo bulshada ah, oo ay ku jiraan xarumaha taageera carruurta qaba Autism Spectrum Disorder.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijiyay inuu qayb ka ahaa fulinta qaar ka mid ah baaritaannada, iyadoo la sheegay in eedeymuhu la xiriiraan isticmaalka lacagaha barnaamijka Medicaid.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii kordhayaan baaritaannada lagu hayo barnaamijyada daryeelka bulshada ee gobolka, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq iyo wax is-daba marin dhaqaale.

Mas’uuliyiinta federaalka ayaa sheegay in baaritaannadu weli socdaan, isla markaana aan wali la shaacin dacwad rasmi ah ama tirada dadka la tuhunsan yahay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.