• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho-sharaf u sameeyay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho-sharaf u sameeyay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho-sharaf ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan deegaannada Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa kulankaas ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorkooda ku aaddan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale la wadaagay guulaha ay dowladdu ka sheegtay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladda iyo daadejinta maamulka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda doorashada hoggaankooda siyaasadeed, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed inay taageeraan dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho loo dhan yahay, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah xaqiijinta matalaad dhab ah iyo nidaam dimuqraadi ah oo hufan.

Waxa uu sheegay in muddo dheer shacabka Soomaaliyeed aysan si toos ah u helin fursad ay ku doortaan hoggaankooda, isla markaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada.

Dhankooda, qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha casuumaadda iyo maamuuska uu u sameeyay, iyaga oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee dhinacyada amniga, la dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.