• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xamza oo daahfuray mashruuc taageeraya barakacayaasha iyo xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xamza oo daahfuray mashruuc taageeraya barakacayaasha iyo xoojinta adkeysiga magaalooyinka
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuc loogu talagalay xoojinta adkeysiga magaalooyinka iyo is dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha iyo kuwa martigeliya ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Mashruucan ayaa diiradda saaraya hagaajinta nolosha dadka nugul, gaar ahaan qoysaska barakacayaasha ah iyo bulshada martigelisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barnaamijkan uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay helitaanka xal waara oo lagu taageerayo dadka danyarta ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in bulshada ku nool Doolow ay soo mareen dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro iyo burbur soo jiitamayay muddo dheer, balse ay leeyihiin adkeysi iyo karti ay kaga gudbi karaan caqabadaha. Wuxuu tilmaamay in mashruucan uu yahay bilow cusub oo lagu gaari karo nolol ka wanaagsan tii hore.

Mashruuca ayaa la sheegay inuu xoogga saarayo la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la fulinayo barnaamijyo dib-u-dejin, shaqo-abuur iyo xirfad-barid. Sidoo kale, waxaa qeyb ka ah horumarinta beeraha, xoolaha iyo ganacsiyada yaryar si loo kobciyo dhaqaalaha maxalliga ah.

Ugu dambeyn, xukuumadda ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay mid ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo dadka ay saameeyeen barakaca iyo duruufaha adag.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.