Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus ka bixiyay dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ku ekaa 14-ka April 2026. Xisbiga ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis gelin karta nidaamka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 15, 2026, 10:04 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus ka bixiyay dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ku ekaa 14-ka April 2026. Xisbiga ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis gelin karta nidaamka dowladnimada dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in dhammaadka muddada hay’adda sharci-dejinta uu dhaawac ku yahay geedi-socodka dowlad dhiska. Xisbiga ayaa xusay in Baarlamaanka uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee sharciyadda dowladeed, isla markaana maqnaanshihiisu keeni karo jahwareer sharci iyo mid siyaasadeed.

Sidoo kale, xisbiga ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah xal loogu helin xaaladda, ay dhalan karto firaaq dastuuri ah ama muddo dhaaf sharci darro ah, taas oo sii wiiqi karta hay’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay tallaabooyin uu sheegay inay hal dhinac yihiin oo ay qaadeyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo khatar ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa fariimo u diray beesha caalamka, iyagoo ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska diblomaasiyadeed si xal loogu helo muranka siyaasadeed.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu weli taagan yahay khilaaf xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka loo jiheynayo iyo wax ka beddelka dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad xasaasi ah, iyadoo loo baahan yahay wadahadal iyo heshiis loo dhan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.