Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ciidamada qalabka sida loo adeegsado dano siyaasadeed. Golaha ayaa sidoo kale fariin u diray ciidamada, iyagoo ku booriyay inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 13, 2026, 10:01 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Golaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ciidamada qalabka sida loo adeegsado dano siyaasadeed. Golaha ayaa sidoo kale fariin u diray ciidamada, iyagoo ku booriyay inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan dhaq-dhaqaaqyo ay sheegeen inay muujinayaan in hay’adaha amniga loo jiheynayo dano gaar ah. Golaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid khatar gelin karta haykalka dowladnimada.

Golaha Mustaqbalka ayaa ciidamada ka dalbaday inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, isla markaana ay iska diidaan amar kasta oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka ciidamada. Waxay sidoo kale ku adkeeyeen muhiimadda ilaalinta midnimada iyo sumcadda ciidanka qaranka.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa xilli la xusayay sanad guurada 66aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo goluhu uu hambalyo u diray dhammaan xubnaha ciidamada. Waxay xuseen in waajibaadka ciidanka uu yahay difaaca qaranka iyo sugidda amniga shacabka.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado kala qeybsanaanta ciidanka, iyagoo tilmaamay in ku saleynta xilalka dano gaar ah ay wiiqi karto awoodda ciidanka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ciidanku yahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin eedeymaha iyo digniinta kasoo baxday Golaha Mustaqbalka. Arrintan ayaa imaneysa xilli ay jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan amniga iyo maamulka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 hour ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.