• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Golaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ciidamada qalabka sida loo adeegsado dano siyaasadeed. Golaha ayaa sidoo kale fariin u diray ciidamada, iyagoo ku booriyay inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan dhaq-dhaqaaqyo ay sheegeen inay muujinayaan in hay’adaha amniga loo jiheynayo dano gaar ah. Golaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid khatar gelin karta haykalka dowladnimada.

Golaha Mustaqbalka ayaa ciidamada ka dalbaday inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, isla markaana ay iska diidaan amar kasta oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka ciidamada. Waxay sidoo kale ku adkeeyeen muhiimadda ilaalinta midnimada iyo sumcadda ciidanka qaranka.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa xilli la xusayay sanad guurada 66aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo goluhu uu hambalyo u diray dhammaan xubnaha ciidamada. Waxay xuseen in waajibaadka ciidanka uu yahay difaaca qaranka iyo sugidda amniga shacabka.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado kala qeybsanaanta ciidanka, iyagoo tilmaamay in ku saleynta xilalka dano gaar ah ay wiiqi karto awoodda ciidanka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ciidanku yahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin eedeymaha iyo digniinta kasoo baxday Golaha Mustaqbalka. Arrintan ayaa imaneysa xilli ay jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan amniga iyo maamulka dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.