Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahiyay ciidamada ku sugan bannaanka Baydhaba

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hoos u dhigay walaaca laga muujiyay ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba, isagoo sheegay in ciidamadu yihiin kuwo sugaya amniga.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 6, 2026, 11:33 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahiyay ciidamada ku sugan bannaanka Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hoos u dhigay walaaca laga muujiyay ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba, isagoo sheegay in ciidamadu yihiin kuwo sugaya amniga.

Afhayeenka maamulka, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamadaasi aanay ahayn kuwo fallaagoobay, balse loo dhigay bannaanka si looga hortago qalalaase ka dhaca hareeraha magaalada.

Wuxuu xusay in dagaalkii ka dhacay gudaha Baydhaba uu sababay in ciidamada loo kala fogeeyo, si loo xasiliyo xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii warar hore ay sheegayeen in ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen ay ku sugan yihiin bannaanka Baydhaba.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalkii dhacay uu ahaa mid la filan karayay, balse dhinacooda ay qaadeen tallaabooyin lagu kala badbaadinayo ciidamada.

Dhanka kale, weli waxaa taagan hadal heyn ku saabsan mowqifka Lafta-gareen, kaas oo lagu sheegay inuu iscasilay, inkastoo warar kale ay sheegayaan inuu weli ku adkeysanayo xilka.

Si kastaba, afhayeenka maamulka ayaa ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo arrintaas, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u gaar ah Lafta-gareen.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

15 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

15 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.