Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Hoggaamiyaha Burkina Faso oo diiday dimuqraadiyadda, hakiyay doorashooyin

Hoggaamiyaha militariga ee Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in shacabka dalkiisa ay iska illaawaan dimuqraadiyadda, isagoo xusay in nidaamkaas uusan ku habboonayn xaaladda dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 4, 2026, 1:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Hoggaamiyaha Burkina Faso oo diiday dimuqraadiyadda, hakiyay doorashooyin
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hoggaamiyaha militariga ee Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in shacabka dalkiisa ay iska illaawaan dimuqraadiyadda, isagoo xusay in nidaamkaas uusan ku habboonayn xaaladda dalka.

Traoré ayaa hadalkan ka jeediyay wareysi uu siiyay telefishinka qaranka, isagoo cadeeyay in aan hadda laga hadli karin doorashooyin.

“Dadku waa inay iska illaawaan dimuqraadiyadda, annaga nooma fiicna,” ayuu yiri.

Hoggaamiyahan ayaa talada dalka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 2022, tan iyo markaasna waxaa la sheegay inuu xoojiyay xakameynta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in la kala diray guddigii doorashooyinka, isla markaana baarlamaanka militariga uu baabi’iyay axsaabtii siyaasadeed.

Xisbiyada siyaasadeed ayaa horey loo hakiyay kadib afgambiga, iyadoo tallaabooyinkan ay sii adkeeyeen cadaadiska siyaasadeed ee dalka.

Burkina Faso ayaa muddo sanado ah wajahaysay weerarro ay geystaan kooxo hubeysan, kuwaas oo sababay khasaare weyn oo naf iyo maalba leh.

Militariga ayaa ku sababeeyay dib u dhaca doorashooyinka xaaladda amni darro, iyagoo muddada kala guurka ah ku kordhiyay shan sano oo dheeraad ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo cadaadiska siyaasadeed iyo in dib loo soo celiyo nidaamka dimuqraadiyadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.