Wararka24, DG Puntland oo sheegtay in ay dileen in ka Badan 70 Nin oo ka tirsan maleeshiyada Daacish, ka dib dagaal culus oo ay ciidamadeeda ku laayeen Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa ka dhacay fariisimihii ay Ciidanka Puntland dhawaan ka sameysteen deegaanada u dhexeeya Haraaryo iyo Qurac, iyo sidoo kale jiidda Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad. Weerarkii Daacish ayaa ku bilowday qaraxyo ay mootooyin iyo baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku fuliyeen, ka dibna uu raacay dagaal toos ah oo labada dhinacba khasaaro weyn ku noqotay.
Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa sheegay in ciidamadu ay guulo weyn ka soo hooyeen dagaalka oo (DG puntland oo sheegtay in ay dileen in ka Badan 70 Nin,
iyagoo sheegay in la dilay in ka badan 70 nin oo Daacish ah. General Faadhigo ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay dagaalka ku laayeen 27 askari, halka 46 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaan halkan uga tacsiyaynaya ciidamada geesiyaasha ah ee dalkooda iyo diintooda difaacaya, oo argagixisada Daacish u gaysteen,” ayuu yiri General Faadhigo. “Ilaahay ha u naxariisto wixii dhintay, wixii dhaawacmayna ha u booga-dhayo.

General Faadhigo ayaa intaasi ku daray in ciidanku ay sii wadi doonaan hawlgalkooda, iyagoo ku adkaysanaya inay qabaan ninka ugu dambeeya ee Daacish. “Sida uu amarku ahaa ayay waajibaadka u gudanayaan,” ayuu yiri.
Dagaalkan ayaa noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaa ee maalin qura dhex mara labada dhinac, tan iyo markii ciidamadu bilaabeen hawlgalka ciribtirka Daacish 42 cisho ka hor.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin
















