Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan ay saacadihii u dambeeyay gaareen degmada Buurhakaba, halkaas oo uu ka socdo abaabul ka dhan ah maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.
Ciidamadan oo wata gaadiid gaashaaman ayaa la sheegay inay ka soo dhaqaaqeen gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xalay si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha Buurhakaba.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan Buurhakaba ay isku diyaarinayaan qorshe ay ku beegsanayaan magaalada Baydhabo, iyadoo ujeedku yahay in la carqaladeeyo doorashada uu wado maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sii wada diyaarinta doorashada, waxaana la shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka saddexaad ee maamulkaas, iyadoo la filayo in doorashada madaxweynaha la guda galo.
Sidoo kale, ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay gudaha iyo duleedka Baydhabo si loo xoojiyo ammaanka, loogana hortago weerarro suurtagal ah.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii kordhinaya xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa khilaafka doorashooyinka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in ay isku beddesho iska horimaad ciidan oo toos ah.
DAAWA


















