
Wararka24: Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee ku guul daraystay Doorashadi 2024 kadacday dalka marekanka Tim Walz ayaa sheegay in laga yaabo in uu isku soo sharaxo madaxweyne 2028 ka dib markii isaga iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Kamala Harris ay ku guuldareyteen dorashadii uu madaxweyne Donald Trump ku guuleystay. sida ay shaacisay Warbaahinta NY Post
Axadii, waxa uu ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in doorashada madaxweyne ee 2028 laga yaabo in uu usoo istaago isago shegay “Haddii aan u maleynayo inaan wax qaban karo… hubaal waan tixgelin lahaa taas,” markii wax laga weydiiyay arintaan,
“Sidoo kale, anigu waan ogahay in ay jiraan dad badan oo tan samayn kara,” ayuu raaciyay. Isaga oo sii hadlaya, isaga oo sheegay in “haddii ay xaaladdu sax tahay” uu u tartami karo xafiiska 2028.
“Mar walba waxaan dhihi jiray sidan: Uma diyaarin nolosheyda inaan ku jiro shaqooyinkan, laakiin nolosheyda ayaa si fiican ii diyaarisay,” Tim Walz ayaa raaciyay. “Oo haddii waayo-aragnimadan aan soo maray iyo waxa aan hadda ku jirno ay ii diyaariyaan taas, markaas waan sameyn lahaa.”
Tim Walz waxu ahaa barasaabka Minnesota ilaa 2019 waxaana Harris u doortay ku xigeenkiisa doorashada 2024.
Kamala Harris lafteeda ayaa la filayaa inay mar kale u tartami doonto Aqalka Cad sanadkaas 2028, taas oo iska horkeeni karta tartanka hor udhaca ah ee democratska ka hor doorashada.
Intii lagu guda jiray Doorashadi 2024 Tim Walz waxaa lagu canaantay been abuur badan oo soo noqnoqday oo ku saabsan wakhtigii uu ku jiray milatariga, iyo sido kale xilka uu kahaayey oo isna lagu eedeeyay in uu ahaa mid been abuur ah iyo sidokale markii uu ka fariistay shaqada, duruufaha uu ugu tagay shaqada milatariga,
Hadii ay tan dhacdo waxaa cadow isku noqon doona labo isla tartamaayey dorashadi 2024ta sababto kamala haris ayaa shaki kujirin inaytahay qofka ugu cadcad ee ku guuleysankaro booska demuquraadinta 2028 hadi ay u tartanto,
Doorashadi 2024 ayaa aheyd mid aad laisugu dhawyahay oo waxa laogyahay in ay heysato taagero aad ubadan ayna noqon karto qofka madaxweynihi ugu horeeyey oo dumar ah sida ay sheegtay warbaahinta mareekanka kamala ayaa laga yaaba in ay u tartanto barasaabka california 2026 lkn ilaa hada lama cadeyn, ayadana wali mashaacinin..
Wararka Ugu Aqrinta Badan
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…










