• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Dalal Islaami ah oo ka wada hadlay isbahaysi amni iyo militari

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dalal Islaami ah oo ka wada hadlay isbahaysi amni iyo militari
Share

Wararka24: Wasiirada arrimaha dibadda ee Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Riyadh, iyagoo ka tashanaya xoojinta iskaashi amni iyo militari oo dhexmara dalalkooda.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli uu socday shir madaxeed ay yeesheen dalalka Islaamka, waxaana lagu falanqeeyay sida loo mideyn karo awoodaha kala duwan ee ay dalalkan leeyihiin si loo wajaho xaaladaha amni ee sii adkaanaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qorshahan uu socday muddo, iyadoo Turkiga uu hormuud ka ahaa dadaallada lagu dhisayo iskaashi ballaaran oo ay ku mideysan yihiin dalalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xallinta dhibaatooyinka taagan, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen quwado shisheeye.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada hadallada ay diiradda saareen xaaladaha cakiran ee gobolka, oo ay ku jiraan xiisadaha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo xulafada Mareykanka iyo Israa’iil.

Inkasta oo wada hadalladu ay ku saabsan yihiin iskaashi amni, haddana lama filayo in isbahaysigan uu noqdo mid la mid ah gaashaanbuur rasmi ah, balse uu fududeyn doono iskaashi ku saabsan difaaca iyo warshadaha militari.

Dalalkan ayaa leh awoodo kala duwan oo is kaabaya, iyadoo Turkiga uu hormuud ka yahay warshadaha difaaca, Pakistan ay leedahay awood nukliyeer, Sacuudiga uu hormarinayo teknoolojiyadda, halka Masar ay leedahay awood militari oo ballaaran.

Dadaalladan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid siyaasadda gobolka, iyadoo dalalkaasi ay doonayaan inay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha amni ee sii kordhaya.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.