• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Roobab Ka Da’ay Nairobi oo Sababay Geerida Dad badan iyo khasaare hantiyeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Roobab Ka Da’ay Nairobi oo Sababay Geerida Dad badan iyo khasaare hantiyeed
Share

Wararka24: 7-02-2026 Roobab mahiigaan ah oo tan iyo shalay ka da’ayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, sida ay sheegeen wararka laga helayo halkaasi.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen daadadka iyo shilal kale oo ka dhashay roobabka xooggan.

Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa daadadku qaadeen, halka kuwo kale ay ku dhinteen koronto ay saameeyeen biyaha roobka.

Roobabka ayaa sababay in waddooyin badan ay xirmaan, halka xaafado badan oo magaalada ka tirsan ay biyuhu galeen, taas oo adkeyneysa howlaha gurmadka iyo samatabixinta.

Xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah meelaha ay xaaladdu saameysay, inkastoo illaa hadda aan laga soo sheegin wax dhimasho ah oo halkaas ka dhacday.

Ciidamada milatariga Kenya ayaa ka qayb qaadanaya howlaha gurmadka, iyagoo adeegsanaya gaadiid culus si ay uga daad-gureeyaan dadka ku go’doonsan meelaha ay biyuhu galeen.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sidoo kale ka digtay halista ka iman karta roobabka sii socda, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan meelaha ay daadadku halista ka yihiin.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.