Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu fashiliyay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol, isla markaana lagu gaarsiiyay jab culus.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 1, 2026, 1:01 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu fashiliyay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol, isla markaana lagu gaarsiiyay jab culus.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalladaasi. Qoraalka ayaa xusay in ciidamada ay beegsadeen maleeshiyaad abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka waday deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgal ka dhacay aagga Waab-weyn iyo isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay 17 xubnood, laguna burburiyay goobo ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay howdka deegaanka Buulo-naagey ayaa lagu sheegay in lagu soo afjaray 23 xubnood oo lagu tuhmay inay qorsheynayeen falal amni darro.

NISA ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyadoo ku boorrisay shacabka inay la wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira amniga.

Maalmihii u dambeeyay, dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda, iyadoo dhowaan howlgal ka dhacay Saakow lagu sheegay in lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ilaa hadda, ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada dowladda ee khasaaraha la gaarsiiyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.