Wararka24: 28-02-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in 10-ka Abriil ay qabanayaan gogol ay ku tilmaameen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, xilli ay sheegeen in aan la gaarin heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Golaha ayaa sidoo kale xusay in muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil, taas oo ay ku tilmaameen arrin u baahan xal degdeg ah.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay shir ay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo waxgarad.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in caddeymo la horgeeyay shirka ay muujinayaan habraac aan waafaqsanayn qodobka 134-aad ee Dastuurka, oo qeexaya nidaamka wax-ka-beddelka dastuurka.
Goluhu wuxuu eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Labada Aqal, isagoo ku dooday in ay ku xadgudbeen Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka. Sidoo kale, waxay sheegeen in in ka badan 50 xildhibaan laga hor istaagay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka sababo la xiriira mowqifkooda ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ka hadlay muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinkooda, iyagoo ku tilmaamay arrin khatar ku ah kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Waxay ku baaqeen in si waafaqsan dastuurada dowlad-goboleedyada loo qabto doorashooyin degdeg ah, si loo ilaaliyo kala-soocidda awoodaha iyo xasilloonida dowladnimada.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo dhinacyada siyaasadeed ay ku kala aragti duwan yihiin jidka loo marayo xal waara.


















