Wararka24: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda Jubbaland iyo xubno kale oo mucaarad ah, ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyay mooshin culus oo la xiriira xayiraadaha safarka ee Xildhibaannada, gaar ahaan kuwa u socda Kismaayo.
Mooshinkaan, oo kusoo beegmay xilli ay xiisado ka taagan yihiin arrimaha Jubbaland, ayaa xildhibaannadu ku dalbadeen in ajendaha lagu soo daro dood ku saabsan xadgudubyada ay sheegeen in lagu sameeyay xasaanadooda iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Annaga oo ka duuleyno xad-gudubyada loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada si waafaqsan qodobka 25-aad, faqraddiisa 3-aad, xarfaha B iyo E ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaan soo jeedineynaa in arrintan la geliyo ajendaha,” ayay yiraahdeen xildhibaannada mooshinka gudbiyay.
Xildhibaannoda waxay sidoo kale dalbadeen in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar rasmi ah oo xayiraadda safarka looga qaadayo xildhibaannada iyo shacabka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka gudbiyay, ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay si bareer ah ugu tumatay xuquuqda Xildhibaannada iyo shacabka.
“Waxaad arkaysaa diyaarad la handadayo oo la leeyahay Xildhibaan Jeesoow ha soo qaadin. DFS waa ka dartay waxayna ku tumatay sharcigii xuquuqda muwaadinka ama xildhibaanka uu lahaa,” ayuu yiri Jeesow.
Mooshinkan ayaa daba socda dhacdo todobaadkii hore ka dhacday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo Xildhibaan c iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid laga hor istaagay safarkii ay ku aadi lahaayeen Kismaayo.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa go’aanka Golaha Shacabka ee ku aaddan mooshinkan xasaasiga ah.


Wararka Ugu Aqrinta badan..
Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load More ShareWararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu Maraykanku ku beegsaday xarumo…
Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wararka Ugu Aqrintabadan Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load More ShareWararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda…
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Load More ShareWararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo…



















