• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Turkiga oo faah-faahiyey mashruuc weyn oo ayka fulinayaan Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Turkiga oo faah-faahiyey mashruuc weyn oo ayka fulinayaan Soomaaliya
Share

Wararka24: 26-02-2026 Xafiiska Madaxweynaha Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruuc weyn oo Ankara ka fulinayso Soomaaliya, kaas oo la xiriira dhismaha xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada hawada sare.

Mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu saldhig u noqon doono iskaashi cusub oo dhanka amniga, warshadaha gaashaandhigga iyo wadaagga tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya labada dal.

Burhanettin Duran ayaa sheegay in mashruucu yahay mid ka mid ah iskaashiyada ugu waaweyn ee Turkiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tilmaamay in uu fursado cusub u abuuri doono labada dhinac.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga, dhismaha xarunta ayaa ka socda xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya tan iyo sannadkii hore, kadib markii la dhammeystiray daraasaadka suurta-galnimada iyo heshiis iskaashi oo labada dowladood wada galeen 2024.

Khubaro dhanka hawada sare ah ayaa sheegay in xulashada Soomaaliya ay la xiriirto udhawaanshaha xariiqda dhexe ee dhul-baraha, taas oo hoos u dhigta kharashaadka hawlgallada gantaallada isla markaana kordhisa awoodda xamuulka dayax-gacmeedyada.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamijka qaran ee hawada sare ee Turkiga, kaas oo ujeedkiisu yahay in la yareeyo ku-tiirsanaanta tiknoolajiyadda shisheeye ee dhanka gaashaandhigga.

Hadalka ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli Ankara ay ballaarinayso joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo horey u hirgelisay saldhigga milateri ee Turkiga ku leeyahay dibadda ee TurkSom.

Turkiga ayaa sidoo kale kordhiyay hawlgallada sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin Turkiga ah ay ka hadleen rajada laga qabo xirmooyin shidaal oo la baarayo.

Arrimahan ayaa ka imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan loollanada Geeska Afrika, iyadoo Turkiga uu si cad uga soo horjeestay tallaabooyin lagu aqoonsanayo maamulo gooni-u-goosad ah, kuna adkeystay muhiimadda ay leedahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in mowqifkeedu yahay mid taageeraya madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.