
Ciidanka Puntland ayaa Jimcihii si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari.
Xaruntan oo ku taalla dhul aan la degganeyn, una dhow Dooxada Dharoor, ayaa muhiim u ahayd Daacish, maadaama ay qayb ahaan ka fidsan tahay Degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban.
Hawlgalka lagu qabsaday Dhaban-qooxle wuxuu qeyb ka yahay wajiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto Daacish, waxaana ciidamada dagaalka billaabeen Jimcihii – maalinta ugu horreysay ee wejigan cusub.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeen hore shaaciyey dhammaadka wejigii labaad ee howlgalkan, isagoo caddeeyey in wajiga saddexaad uu bilaabanayo Jimcaha.
“Howlgalka ma istaagayo ilaa Puntland laga cirib tiro argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, oo shacabka la hadlayay. “Hadafku waa in kooxahan laga suuliyo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”
Ciidanka Puntland ayaa si xawli ah ugu sii siqaya deegaannada ay Daacish ku sugan tahay, iyadoo kooxda ay luminayso dhulkii ay tobanaan sano ka urursaneyd.



Ugu aqrinta badan
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay…










