• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo go’aansaday inuu ka tego Muqdisho kadib markii…

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe oo go’aansaday inuu ka tego Muqdisho kadib markii…
Share

Wararka25: 23-02-2026 Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu kataga Muqdisho kuna laabto Kismaayo maalinta Talaadada, kaddib markii uu hakad galay wadahadalkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in go’aanka safarkiisa uu yimid xilli ay wadaxaajoodyadu mareen is-mari-waa, isla markaana aan weli wax heshiis ah laga gaarin qodobadii la isku hayay. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay inuu sii joogayo Muqdisho si uu u wado kulamo gaar ah oo ka socda xerada Xalane.

Wadahadallada ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee dalka laga hirgelinayo.

Dowladda Federaalka ayaa riixaysa in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod, halka Golaha Mustaqbalka ay ku adkeysanayaan in la sii wado hannaan doorasho dadban oo lagu heshiiyay.

Khilaafkan ayaa sii adkeeyay jawiga siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in Golaha Mustaqbalka ay maanta qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan sababaha keenay fashilka wadahadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.