Wararka24: 21-02-2026 Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib howlgallo amni oo maalmihii u dambeeyay ka socday degaanka Deynuunay.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa la sheegay inuu muddo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ku lug lahaa falal amni-darro oo ka dhan ah shacabka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ammaanka ee Koonfur Galbeed.
Isu soo dhiibidda ninkan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna burburinayo fariisimahooda ku yaalla deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalka lagu gaaray is-dhiibidda horjoogahan waxaa fuliyay Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Ururka, Ayuub Cabdi Ibraahim, sida lagu sheegay war rasmi ah.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladu ujeedkoodu yahay sugidda amniga deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in is-dhiibidda horjoogahan ay muujinayso cadaadis sii kordhaya oo saaran Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ku booriyay xubnaha kale ee kooxda ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed inay ka faa’iideystaan fursadaha is-dhiibidda iyo barnaamijyada dhaqan-celinta, si ay dib ugu laabtaan nolol caadi ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan illaa laga xaqiijiyo amni buuxa oo ka hanaqaada deegaannada ay weli ka jiraan khataraha amni.


















