Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Farmaajo oo wada dadaallo lagu soo dhoweynayo Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe

16-02-2026; Ilo xog-ogaal ah ayaa Galwaaq Media u xaqiijiyay in xalay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu booqasho ku tegay hoyga Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 16, 2026, 12:42 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Farmaajo oo wada dadaallo lagu soo dhoweynayo Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 16-02-2026; Ilo xog-ogaal ah ayaa Galwaaq Media u xaqiijiyay in xalay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu booqasho ku tegay hoyga Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mahad Salaad ayaa Farmaajo u gudbiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ku aaddan codsi ah in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay aqbalaan in wada-hadallada lagu qabto xarunta Villa Soomaaliya.

Farmaajo ma uusan ballan-qaadin inuu si toos ah ugu qancin doono Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland arrintaas, balse wuxuu adkeeyay inuu dadaal dheeri ah ku bixin doono sidii uusan u fashilmin shirka siyaasadeed ee la qorsheynayo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mahad Salaad uu xiriir dhexdhexaadin ah ka dhex sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in Farmaajo uu Madaxweyne Xasan ka codsaday in marka uu Muqdisho ku soo laabto uu booqasho salaam ah ku tago Hotel Airport, si halkaas loogu furo wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu xiriir toos ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkastoo aan la helin faahfaahinta wada-hadalladaas oo ahaa kuwo u xiran mas’uuliyiinta.

Sidoo kale, saacadihii dambe ee xalay (qiyaastii 11:00 fiidnimo) waxaa kulan hoose yeeshay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray suurtagalnimada tallaabooyinka la qaadi karo haddii Madaxweyne Xasan Sheekh diido in wada-hadallada lagu qabto gudaha xerada Xalane.

Caqabadda ugu weyn ee hortaagan qabsoomidda shirka ayaa weli ah goobta lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeysanayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka mucaaradku dalbanayaan in lagu qabto Xalane.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka, arrimo mucaaradku ku eedeeyaan in si hal dhinac ah loo wado.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

21 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

21 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

23 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.