• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si…..

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si…..
Share

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay booqasho ku tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xerada Xalane, halkaas oo uu ugu bandhigay damaanad amni si ay ugu tagaan Villa Soomaaliya wada-hadallada ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa hoggaamiyeyaasha labada maamul kula shiray hoteelka ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, isagoo ku booriyay in wadahadallada rasmiga ah lagu qabto xarunta Madaxtooyada si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo laga wada hadlay is-mari-waaga siyaasadeed iyo sida xal loogu heli karo muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, waxaana Jubbaland iyo Puntland ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto gudaha xerada Xalane, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysanayso in Madaxtooyada lagu qabto.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, kaas oo sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qasban yihiin inay tagaan Villa Soomaaliya, isagoo tilmaamay in madaxda Jubbaland iyo Puntland aysan ku qasbanayn in Madaxtooyada tagaan, balse ay u joogaan “badbaadinta dowladnimada dalka.”

Kulamada u dhexeeya madaxda mucaaradka, madaxweynayaasha maamullada iyo saraakiisha ammaanka ayaa weli socda, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay caddeeyaan halka ugu dambeyn lagu qaban doono wada-hadallada rasmiga ah.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo is-mari-waa xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.