• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika
Share

Wararka24: 15-02-2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay arrimaha amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta dalalka Afrika, gaar ahaan isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Wuxuu uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay siiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyay guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhiska, isla markaana muujisay diyaargarowga lagu ballaarinayo hannaanka doorashada tooska ah ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka mideysan ee ay ka qaateen xadgudubyadaas.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada iyo wada-shaqeynta, si xal waara loogu helo caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee qaaradda, isagoo xusay in madaxbannaanidu tahay tiirka horumarka mustaqbalka Afrika.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.