• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Fiqi oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiir Fiqi oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland
Share

Wararka24: 12-02-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal adag kaga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xerada Xalane, taas oo dhalisay hadal-heyn ballaaran.

Madaxweyne Deni ayaa si kulul u dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada Hawiye iyo xaaladda ka jirta Muqdisho, isaga oo ku andacooday in caasimaddu ay noqotay meel “dalka laga kala goynayo,” sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale xusay in dalka u baahan yahay badbaadin iyo in si degdeg ah heshiis looga gaaro hannaanka doorashooyinka, xilli muddo kooban ay ka harsan tahay dhammaadka xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Fiqi oo ka falceliyay hadalkaas ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu ku fashilmay shaqadiisii hoggaamineed, isla markaana hadalladiisu ay yihiin “calaacal” iyo eedeyn aan xal wadin. Wasiirka ayaa ku eedeeyay Deni inuu marar badan la safanayo shisheeyaha marka ay arrimo khilaaf ka dhex taagan yihiin Soomaaliya iyo dalal kale, isla markaana uu ka shaqeeyo kala dhantaalidda midnimada dalka.

Fiqi ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadallada Deni kuwo ka tarjumaya siyaasi doonaya inuu dalka xukumo isagoo isla mar ahaantaana carqaladeynaya xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, kana doorbidaya kulamada hoteellada halkii uu ka geli lahaa Villa Soomaaliya.

Isdhaafsigan hadallo kul-kulul ah ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, taas oo sii adkeynaysa isfaham la’aanta u dhexeysa hoggaanka Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.