• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo
Share

Wararka24: 29-01-2026:Warbixinno amni ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay bishan Janaayo ka fuliyeen gudaha Soomaaliya illaa 23 duqayn oo cirka ah, kuwaas oo intooda badan lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo xubno lala xiriirinayo Daacish.

Duqaymahan ayaa la sheegay in ay ka dhaceen gobollo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxaha hubeysan, iyadoo Mareykanku uu sii waday iskaashiga milatari ee uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay tilmaamayaan ilo amni, duqaymaha ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyad lagu wiiqayo awoodda kooxaha hubeysan, laguna taageerayo howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Lama shaacin khasaare rasmi ah oo ka dhashay weerarradan, balse saraakiil ayaa sheegay in bartilmaameedyo muhiim ah la haleelay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada duqaymaha ama goobaha saxda ah ee ay ka dhaceen bishan Janaayo.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Senator Maryan Faarax Kaahiye, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare lagana soo doorto Jubbaland, ay maanta farriin culus u dirtay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Senator Maryan ayaa dalbatay in Guddoomiyaha uu si cad u muujiyo mowqifkiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee ay wali ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Qoraal dheer oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in Guddoomiyaha Aqalka Sare looga baahan yahay jawaab cad oo waafaqsan Dastuurkii 2012-kii, iyadoo muujisay walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaantay ku tumasho dastuur.

“Waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada Dastuurkii lagugu dhaariyey. Taasi ayaa maanta igu kaliftay in aan kaa codsado caddaynta mowqifkaaga ku aaddan masiibada hadda hortaal Golaha Aqalka Sare muddo 24 saacadood ah,” ayay tiri Senator Maryan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in la ilaaliyo heshiisyadii siyaasadeed iyo hannaankii dastuuriga ahaa ee dalka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.