Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

29-01-2026:Warbixinno amni ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay bishan Janaayo ka fuliyeen gudaha Soomaaliya illaa 23 duqayn oo cirka ah, kuwaas oo intooda badan lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo xubno lala xiriirinayo Daacish.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 9:41 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 29-01-2026:Warbixinno amni ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanku ay bishan Janaayo ka fuliyeen gudaha Soomaaliya illaa 23 duqayn oo cirka ah, kuwaas oo intooda badan lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo xubno lala xiriirinayo Daacish.

Duqaymahan ayaa la sheegay in ay ka dhaceen gobollo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxaha hubeysan, iyadoo Mareykanku uu sii waday iskaashiga milatari ee uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay tilmaamayaan ilo amni, duqaymaha ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyad lagu wiiqayo awoodda kooxaha hubeysan, laguna taageerayo howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Lama shaacin khasaare rasmi ah oo ka dhashay weerarradan, balse saraakiil ayaa sheegay in bartilmaameedyo muhiim ah la haleelay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada duqaymaha ama goobaha saxda ah ee ay ka dhaceen bishan Janaayo.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Senator Maryan Faarax Kaahiye, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare lagana soo doorto Jubbaland, ay maanta farriin culus u dirtay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Senator Maryan ayaa dalbatay in Guddoomiyaha uu si cad u muujiyo mowqifkiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee ay wali ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Qoraal dheer oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in Guddoomiyaha Aqalka Sare looga baahan yahay jawaab cad oo waafaqsan Dastuurkii 2012-kii, iyadoo muujisay walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaantay ku tumasho dastuur.

“Waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada Dastuurkii lagugu dhaariyey. Taasi ayaa maanta igu kaliftay in aan kaa codsado caddaynta mowqifkaaga ku aaddan masiibada hadda hortaal Golaha Aqalka Sare muddo 24 saacadood ah,” ayay tiri Senator Maryan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in la ilaaliyo heshiisyadii siyaasadeed iyo hannaankii dastuuriga ahaa ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.