• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mooshin Culus Oo Ka Dhan Ah Wax-Ka-Beddelka Dastuurka Oo Ka Socda Baarlamaanka somaliaya.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Baarlamaanka
Share

Wararka24: 26-01-2026 Xilli dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo ay wehliso xaalad siyaasadeed oo kacsan, ayaa waxaa soo baxaya dhaqdhaqaaq cusub oo mooshin ah oo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wararka24 u xaqiijiyay in mooshinkan uu salka ku hayo diidmo ka dhan ah wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay haatan wado Villa Soomaaliya, gaar ahaan qodobada harsan ee weli lagu muransan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in maanta xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay bilaabeen ururinta saxiixyo lagu taageerayo mooshinka, kaas oo sidoo kale lagu diidan yahay in Baarlamaanka sii shaqeeyo xilli uu dhammaaday waqtiga Kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Arrintan ayaa si cad bannaanka ugu soo baxday maanta, iyadoo ololaha mooshinka uu sii xoogeysanayo, isla markaana xildhibaanno dhowr ah ay durba saxiixeen warqadaha la doonayo in loo gudbiyo guddoonka Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay maanta la kulmeen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, halkaas oo ay ku wareejiyeen soo-jeedimo la xiriira wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale jadwalka doodaha la filayo.

Inkasta oo kulamadaasi lagu ballamay in doodaha wax-ka-beddelka Dastuurka ay sii socdaan, haddana waxaa weli taagan tabashooyin xooggan oo ay muujinayaan mucaaradka siyaasadeed iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Horay, Villa Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayaa ugu guuleystay wax-ka-beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka, tallaabadaas oo dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isla markaana horseeday xiisad siyaasadeed oo weli taagan.

Dadaallada hadda socda ee lagu doonayo in lagu sii wado wax-ka-beddelka qodobada kale ee Dastuurka ayaa la rumeysan yahay inay sii wadi karaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in dhawaan la qorsheynayo wada-hadallo toos ah oo dhex mara Villa Soomaaliya, Jubbaland, Puntland iyo dhinacyada mucaaradka, si xal loogu helo ismari-waaga ka dhashay Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.