Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mooshin Culus Oo Ka Dhan Ah Wax-Ka-Beddelka Dastuurka Oo Ka Socda Baarlamaanka somaliaya.

26-01-2026 Xilli dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo ay wehliso xaalad siyaasadeed oo kacsan, ayaa waxaa soo baxaya dhaqdhaqaaq cusub oo mooshin ah oo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 3:44 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Baarlamaanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Xilli dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo ay wehliso xaalad siyaasadeed oo kacsan, ayaa waxaa soo baxaya dhaqdhaqaaq cusub oo mooshin ah oo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wararka24 u xaqiijiyay in mooshinkan uu salka ku hayo diidmo ka dhan ah wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay haatan wado Villa Soomaaliya, gaar ahaan qodobada harsan ee weli lagu muransan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in maanta xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay bilaabeen ururinta saxiixyo lagu taageerayo mooshinka, kaas oo sidoo kale lagu diidan yahay in Baarlamaanka sii shaqeeyo xilli uu dhammaaday waqtiga Kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Arrintan ayaa si cad bannaanka ugu soo baxday maanta, iyadoo ololaha mooshinka uu sii xoogeysanayo, isla markaana xildhibaanno dhowr ah ay durba saxiixeen warqadaha la doonayo in loo gudbiyo guddoonka Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay maanta la kulmeen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, halkaas oo ay ku wareejiyeen soo-jeedimo la xiriira wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale jadwalka doodaha la filayo.

Inkasta oo kulamadaasi lagu ballamay in doodaha wax-ka-beddelka Dastuurka ay sii socdaan, haddana waxaa weli taagan tabashooyin xooggan oo ay muujinayaan mucaaradka siyaasadeed iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Horay, Villa Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayaa ugu guuleystay wax-ka-beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka, tallaabadaas oo dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isla markaana horseeday xiisad siyaasadeed oo weli taagan.

Dadaallada hadda socda ee lagu doonayo in lagu sii wado wax-ka-beddelka qodobada kale ee Dastuurka ayaa la rumeysan yahay inay sii wadi karaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in dhawaan la qorsheynayo wada-hadallo toos ah oo dhex mara Villa Soomaaliya, Jubbaland, Puntland iyo dhinacyada mucaaradka, si xal loogu helo ismari-waaga ka dhashay Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

18 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.