• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Obama Iyo Bill Clinton Oo Si Adag Uga Hadlay Howlgallada ICE Ee Minnesota.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
ICE
Share

Wararka24: 26-01-2026 Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadiisi hore Michelle Obama ayaa si kulul uga hadlay howlgallada ay wadaan ciidamada socdaalka Mareykanka (ICE) ee ka socda gobolka Minnesota, iyagoo dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi-jab leh.”

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen, lamaanaha Obama ayaa sheegay in toogashadu ay tahay digniin culus oo ku wajahan dhammaan Mareykanka, iyagoo xusay in qiyamkii asaasiga ahaa ee dalka ay wajahayaan weerarro isa soo taraya.

“Toddobaadyo badan, shacabka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo wajiyadooda qariyay iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan-darro ah u dhaqmaya, una adeegsanaya xeelado cabsi gelin, dhibaateyn iyo kicin, kuwaas oo khatar gelinaya dadka ku nool magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu sii hurinayo xaaladda, iyagoo sheegay in toogashooyinka dhacay aan lagu samayn baaritaan dhab ah, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid si toos ah uga hor imaanaysa caddeymaha muuqaalka. “Tani waa inay joogsataa,” ayay yiraahdeen.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa isna si adag u cambaareeyay maamulka Trump, isagoo ku eedeeyay in shacabka Mareykanka laga qariyay xaqiiqda ku saabsan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ICE.

Bayaan uu Axaddii soo saaray, Clinton ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka Minnesota “muuqaallo naxdin leh” oo aanu waligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka. Wuxuu sheegay in dad laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada iyo waddooyinka, iyadoo askartu wajiyada qarinayaan, isla markaana bannaanbaxayaal nabadeed si aan sharci ahayn loola dhaqmay.

Bill Clinton ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan ficilladaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana la iska ilaalin kari lahaa ka hor inta aysan xaaladdu heerkan gaadhin. Wuxuu sheegay in shacabka Mareykanka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo tallaabooyinka ay ICE ka waddo gobolka Minnesota.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.