Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga oo ku tilmaamay mid sharci ah oo lagama maarmaan u ahayd ilaalinta karaamada, amniga iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiir Aweys ayaa caddeeyay in go’aanku si gaar ah u khuseeyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay Muqdisho iyo Abu Dhabi, isla markaana uusan saameyn ku yeelanayn xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan guud ee labada dal.
Waxa uu xusay in xiriirka diblomaasiyadeed uu weli shaqeynayo, safaaraduhuna ay si caadi ah uga hawlgalaan caasimadaha labada dhinac, sidoo kalena adeegyada qunsuliyadeed ay sii socdaan, taasoo muujinaysa in isgaarsiinta siyaasadeed aysan istaagin inkastoo la joojiyay wada-shaqeyntii militari.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay taariikhda xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo qiray kaalinta taageero ee ay Abu Dhabi hore u siisay Soomaaliya, balse wuxuu tilmaamay in faragelinno gaar ah ay keeneen saameyn taban karta xasilloonida gudaha iyo daryeelka bulshada.
Wuxuu sheegay in go’aanka dowladda uu ku saleysan yahay qiimeyn muujisay in waxyeellada ka dhalatay heshiisyada qaarkood ay ka badnaayeen faa’iidooyinkii laga filayay, taasoo keentay in dib loo habeeyo iskaashiga, si mudnaan loo siiyo danaha qaranka Soomaaliyeed.













