Wararka24: 23-01-2026 Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda UK, ayaa cadaadis siyaasadeed saaray isbahaysiga mucaaradka ee loo yaqaan “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” iyagoo ugu baaqay inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalka madasha wadatashiga qaran ee la qorsheeyay bisha soo socota.
Wakiillo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa sheegay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNTMIS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen Arbacadii ku soo dhoweeyay ku dhawaaqista dowladda ee furitaanka madal wadatashi qaran iyo casuumaadda loo fidiyay mucaaradka. Bayaanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda wada-hadal loo dhan yahay oo horseeda doorashooyin hufan iyo is-afgarad siyaasadeed.
“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa taageerada wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaari karo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyinka ka hor dhammaadka muddada dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS, iyadoo mucaaradka lagu dhiirrigeliyay inay si togan uga jawaabaan casuumaadda.
Dhankeeda, Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa soo dhoweysay shirka la filayo inuu furmo 1-da Febraayo, iyadoo sheegtay in wada-hadal dhab ah uu bilaw u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo qabsoomidda doorashooyin la isla oggol yahay oo horseeda horumar waara.
Sidoo kale, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ku baaqday wada-hadal loo dhan yahay, iyadoo sheegtay inuu yahay mid lama huraan u ah xasilloonida iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka. Midowga Yurub ayaa mucaaradka ku boorriyay in xal laga gaaro ismari-waaga siyaasadeed iyadoo la ilaalinayo jadwalka dastuuriga ah
Cadaadiskan caalamiga ah ayaa imanaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli si rasmi ah uga jawaabin casuumaadda dowladda. Soomaaliya ayaa wajahaysa loollan waqtiyeed, maadaama muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan.
Ismari-waaga siyaasadeed ayaa inta badan salka ku haya nooca doorasho ee la hirgelinayo. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysaneysa nidaamka “hal qof iyo hal cod,” halka mucaaradku ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada muddo-kororsi aan sharci ahayn, iyagoo dalbanaya hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyo.
Inkasta oo casuumaadda dowladda ee 1-da Febraayo loo arko tallaabo loo qaaday dhanka xalinta khilaafka, haddana falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in haddii aan la waafajin ajandaha shirka iyo shuruudaha mucaaradka, ay taasi caqabad ku noqon karto guusha wada-hadallada la filayo.
















