• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Davos Kula Kulmay Madaxweynaha Israa’iil

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 day ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland
Share

Wararka24: 22-01-2026: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland halkaas oo uu ka socdo Shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.

Madaxweyne Isaac Herzog ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay inuu soo dhaweynayo xiriirka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo muujiyay rajada ah in iskaashiga labada dhinac uu faa’iido u noqdo labada dal.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Davos kula kulmo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi. Waxaan soo dhaweynayaa aasaasidda xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac, waxaana rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga si ay uga faa’iideystaan labada dal,” ayuu yiri Madaxweyne Herzog.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Davos u tagay safar aan hore loo shaacin, kadib markii uu maalin ka hor baraha bulshada ku baahiyay sawir uu saaran yahay mid ka mid ah diyaaradaha madaxda u qaada goobta shirka, isaga oo xilligaas aan faahfaahin ka bixin halka uu ku wajahnaa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cirro uu Davos u joogay kulammo uu la yeeshay wufuud caalami ah oo ka qeybgalaysa shirka, isaga oo ilaa hadda si rasmi ah ula kulmay Madaxweynaha Israa’iil, oo ah dalka keliya ee si cad u aqoonsaday Somaliland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in kadib dhammaadka safarka Davos la filayo in Madaxweynaha Somaliland uu booqasho ku tago Israa’iil, halkaas oo la filayo in laga wada hadlo xoojinta iskaashiga labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta arrintaas. video daawo


Share
Previous Post

Axmed Madoobe oo DF Uqabtay Mudo 20 cisho ah?

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tagaya Addis Ababa

Amin Cali Abdi

Amin Cali Abdi

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tagaya Addis Ababa

Kudhaa

Dagaal Culus Oo Markale Ka Qarxay Magaalada Kudhaa Ee Jubbada Hoose

7 khalad ee dadka badankood suubiyaan, markay isticmalayaan toonta?

7 khalad ee dadka badankood suubiyaan, markay isticmalayaan toonta?

Recommended

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Doha?

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Doha?

4 months ago
Khatumo

Shirka Dhismaha Maamulka Khatumo Oo Maalintii 2aad Ka Socda Laascaanood

6 months ago
Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saartay Go’aanno Culus, Digniin Adagna U Diray Shacabka + Faahfaahin

11 months ago
Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

4 months ago
Ciidamada Dowlada

Shabaab oo manta lagala wareegay magaalo muhiim u ahayd, + Gusha Ciidamada Dowlada?

11 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

10 months ago
Madaxweynaha Indonesia

Madaxweynaha Indonesia oo shacabka ugu baaqay mudaharaad nabadeed

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.