Wararka24: 12-01-2026: Telefishinka DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa warbixin gaar ah ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fiirsanayso tallaabooyin militari oo looga hortagayo maamulada gooni-goosadka ah ee ka jira Waqooyiga Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay Israa’iil siisay Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Warbixinta DW ayaa tilmaantay in Muqdisho ay wado diyaargarow amni iyo mid militari oo laga yaabo inuu isu beddelo iska horimaad hubeysan, iyada oo dowladda federaalka ay doonayso inay xakameyso dhaq-dhaqaaqyada ay ku tilmaantay kuwo halis ku ah midnimada dalka.
Sida lagu sheegay warbixinta, ciidan gaaraya inta u dhaxeysa 5,000 illaa 8,000 oo askari, kuwaas oo tababar ku soo qaatay Turkiga isla markaana ay maalgelisay Sacuudiga, ayaa la filayaa in loo wareejiyo Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
DW ayaa intaas ku dartay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha xarumo sirdoon iyo sahay militari, tallaabadaas oo muujinaysa dadaal ay Muqdisho ku doonayso inay kaga hortagto waxa ay u aragto khatar amni oo ka imaan karta kooxaha ku mashquulsan gooni-goosadka.
Warbixinta ayaa xustay in tallaabooyinkan ay ku soo beegmayaan xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee la xiriira mustaqbalka midnimada Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin go’aan militari oo kama dambeys ah.
















