Hargeysa – Wararka24: 03-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan difaaca madaxbannaanida dalka, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay tallaabo militari haddii ay Israa’iil ku xadgudubto dhulka Soomaaliya ama arrimaheeda gudaha.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay Telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahday faragelin aan la aqbali karin, isla markaana dowladda aysan ka aamusi doonin wax kasta oo halis gelinaya midnimada iyo jiritaanka qaranka.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in shuruucda caalamiga ah ay si cad u siinayaan dowlad kasta xaqa ay u leedahay inay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka sharciga ah ee ay ku ilaalin karto madax-bannaanideeda.
“Soomaaliya ma ahan dal iska daawanaya waxa ku dhacaya. Haddii Israa’iil ay isku daydo inay cagta saarto meel ka mid ah dhulkeenna, jawaab militari waa mid lama huraan ah,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadallo iyo walaacyo la xiriira faragelin shisheeye, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u muujinayso in ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo danaha qaranka.
















