Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay mid sax ah, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf dhaliyo, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay telefishinka dowladda Itoobiya ee EBC Talaadada maanta ah, 14-ka Oktoobar 2025.
Warbixinta EBC ayaa xustay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Soomaaliya iyo Itoobiya 12-kii Diseembar 2024 uu ahaa mid muhiim ah oo xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale.
“Iyadoo Turkigu uu door muhiim ah ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan,” ayaa lagu yiri warbixinta ay daabacday EBC.
Sida ay sheegtay warbixintu, Itoobiya ayaa muujisay diyaar garow ay ku doonayso in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa caddeysay in ay diyaar u tahay iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo waara, si labada dal ay u xoojiyaan nabadda iyo horumarka gobolka.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, horumarka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

EBC ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowr jeer booqday magaalada Addis Ababa, halka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu isna dhowr jeer yimid Muqdisho, iyadoo labada hoggaamiye ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo la dagaallanka argagixisada.
Qodobbo kale oo muhiim ah oo lagu sheegay warbixinta waxaa ka mid ah ballaadhinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta maalgashiga iyo ganacsiga, arrimo ay labada dal si dhow uga wada shaqeynayaan.
Sidoo kale, EBC ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kamid ahaa madaxda lagu casuumay xafladdii furitaanka biyo-xidheenka weyn ee GERD, isaga oo ka qeyb qaatay xadhig ka jarista mashruuca, taas oo lagu tilmaamay calaamad cusub oo muujinaysa kalsooni iyo is-afgarad siyaasadeed oo labada dal dhex maray.

Warbixinta EBC oo soo xiganaysay wareysigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay telefishinka Al-Arabiya ayaa sheegtay in uu madaxweynuhu caddeeyay in biyo-xidheenka Itoobiya “aanu cidna waxyeellayn doonin,” isla markaana uu xusay in horumarka Itoobiya uu faa’iido u leeyahay Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah oo xuduud dheer wadaaga.
“Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aasha Itoobiya ee ku saabsan marin badeed ay tahay mid sax ah oo aan loo baahnayn in dagaal lagu xalliyo, balse lagu wajaho wadahadal iyo iskaashi,” ayaa lagu yiri warbixinta EBC oo sii xiganaysa wareysigaas.

Booqasho uu Madaxweyne Xasan Sheekh shalay ku tagay magaalada Addis Ababa ayuu kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyadoo labada hoggaamiye ay isla garteen in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo nabadeynta gobolka, si loo xaqiijiyo barwaaqo iyo horumar wadajir ah.